Maxaa Cusub Maanta

Maqaalo/Articles

Wareysiyo

English News

9.4.14

Culayska Warbaahinta Aduunku Saartay Mo Farah Iyo Marathon Ka London By Kaid A Diriye

Axada inagu soo beegan ee bisha April 13 2014 waxa indhaha lagu hayaa orodka masaafada dheer ee marathon ka loo yaqaan oo ka dhici doona London wadanka ingiriiska. Orodkan oo bulshada orodada xiisaysaa aysi gaar ah indhaha ugu hayaan ayay sobob teeda leedahay orod yahanka Maxamed Farah oo ka qayb gali doona. Maxamed Farah runtii waa ku qariib masaafada orodkani ka kooban yahay waana sobobta keentay in orodyahanada Marathonka ku caanka ahi ayna wax cabsiya muujin balse warbaahinta aduunku si gaar ah Mo faraha isha ugu qabtaan iyaka oo ka faaloonaya natiijada Mo Faraha ka keeni doono orodkan. Marlay dhamaan warbaahinta iyo dadka sida gaar ka ah uga faaloodaa orodada natiijada ay soo bandhigaan ma noqon karto mid lagu kalsoonaan karo. Orodku sidiisaba wuxuu kaga duwan yahay ciyaaraha kale waa kartida shaqsiga u gaar ka ah oon waxba lagu biirin karin halka ciyaaraha sida kubada cagta oo kale ay ku xidhan tahay kartida ciyaartoy kasta oo ciyaarta ka qayb qaadanaya dedaalkooduna inta badan qayb wayn ka qaato guusha ka danbaysa. Hadaba Mo Farah waxa si qoto dheer uga faalooday warbaahinta caalimka iyada ood ka dareemayso isku soofayn la dhax dhigayo orodyahankan caan ka ah balse ku cusub masaafada Marathon ka iyo dhigiisa uu la tartami doono oo u badan orodyano wakhti badan isku soo diyaariyey Marathon. Mo farah waxa uu wakhti badan siiyey orodada gaagaaban iyo kuwa masaafada dhexe balse waxa ay u eegtahay in aanu wali wakhti badan siin isku diyaarinta Marathon ka tanina waxay culays wayn saartay orodyahan kan oo dhamaan bulshada iyo warbaahintuba ay ka filayaan in uu ku guulaysto.
Waa suurta gal in Mo Farah mar labaad indhaha caalamka qabsado balse culayska ka horeeya ayaa ah mid dad tiro yar oo orodka marathon ka iyo orodada gaagaaban ka soo qayb qaatay oo kaliyihi fahmi karaan balse bulshada aan khibrada u lahayn iyo warbaahintu inta badan ay ku saleeyaan oo kaliya mala awaal dhinaca ay u badataba ay marka danbe ka faaloo daan. Orodada masaafada gaabani waxa ay a kaga duwan yihiin orodada masaafada dheer la qabsiga jidhka ibnu aadamka oo muda gaaban isku badala balse marka ay noqoto orodada masaafada dheer waxay qaada taa wakhti dheer in orod yahinku is badal ku keeno xawaaraha iyo wakhtiga ay ku qaadan karto in uu ku soo gaba gabeeyo. Waxa iyadna jirta in orodada masaafada gaaban orod yahanku xisaabsan karo daalka uu dareemayo iyo masafada u hadhsan balse marka ay noqoto masaafada Marathon ay adagtahay in aad labada isku xisaab sato. Waxa jirta erayo loo istic maalo marathon ka oo inta badan english ah ayna ka mid tahay (Hit the wall) micna heeduna tahay( Talax gabay) oo ka dhigan in orod yahanku wali isku malaynayo in uu orodka sii wadi karo isaga ama iyada oon wax daala dareemayn balse ay dhamaato quwadii maamulaysay muruqa iyo dareenka qofka iyo uruuqdiisa u dhaxaysa. Inta badan waxay ku dhacdaa orod yahanada aan wakhti badan siin in ay taba bar iyo ka soo qayb qaadasho badan gutaan. Hadaba aniga oo isku dayaya in aan ka faaloodo orodka Marathonka ee ka dhici doona London 13 bishan April ayaan waxan kaga qayb qaadan lahaa laba fikir oo mid ku wajahan yahay laab la kaca qayb ka mida bulshada somaliyeed oo si kal iyo laaba u taageerta marka ay arkaan shaqsi ka mida oo tartamaya balse dacaayad iyo xaqiraad u badala hadii ay ka waayaan kaalinta ugu horaysa.
Mo Farah waxan u rajaynaynaa in uu wacdaro ka muujiyo tartankan badis iyo badis la aana waxan rajaynaynaa in aad horseed u noqoto dhalinta soo koraysa wakhti badana siiso sidii aad u soo gacan qaban lahayd jiilka kaa danbeeye. Mo farah sidoo kale waxan waxan gaar ahaan ku guubaabin lahaa in Marathon ka London uu u arko oo kaliya barxad ka duwan midii uu guusha ka keenay bilawna u ah balse aanu isku mashquulin in uu guusha isagu hantiyo isaga oo og in meesha kartidiisu dhigto ku kalsoon madaxana ku haya in maalmo badan oo xiiso lihi sugayaan hadii wakhtigu ku simo. Waxan sidoo kale kula talin lahaa in uu ogaado dhaawaca ugu wayn oo orodyahanada soo gaadhaa in ay dhacdo wakhtiga orod yahanadu ku jiraan (transitional period) badalaada masaafada orod yahanku caanka ku ahaa. Laba sobobood ayaa inta badan ku dhacda orod yahanada masafadaha gaagaaban orda marka ay u gudbaan orodada dhaadheer. 1 in ay caado ka dhigtaan in ay orodka ka baxaan marka ay dhamaato adkaysigii ay la soo qabsadeen taas oo sobobta in ay ka baxaan orodka oon dhamaan keentana in ayna isku dayin ka qayb qaadashada orodada dhaadheer oo runtii ah ciyaar aad u xanuun kulul marka lagu gudo jiro. 2 in ay dhacdo is qadimaad ku timaad orod yahanka aan wakhti bidan siin ka qayb qaadashada Marathon ka waana xaalada inta badan keenta talax gabka(hiting the wall scenerio) iyadna waxay cabsi ku beertaa orod yahanka oo ku mashquula masaafada ay aboodu kaga dhamaan karto halkii uu kaga fikiri lahaa xeeladii uu ula tartami lahaa dhigiisa.
Kaid A Diriye
Edmonton AB, Canada
torunistolive01@hotmail.com
 
Copyright © 2013 - 2014 Gurmad Media
Sameyntii Shabakada Caalamiga Ah Ee Busnews.