Koox dhalinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar oo kaashanaya ururada haweenka magaalada Muqdisho ayaa goordhow shaaca ka qaaday in maalinimada berito dibadbax weyn ay ka sameyn doonaan magaalada Muqdisho.
Dibadbax berito oo lagu tilmaamay socod dadweyne ayaa la sheegayaa in lagu cambaareynayo dawlada Kenya cariga ay ku heyso dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda, gaar ahaan dadka 4,000 gaaraya ee ku xareysan garoonka Kasarani iyo saldhiga booliaka ee magaalada Nairobi.
Sida uu goordhow BooramaOnline u sheegay mid ka mid ah xubnaha diyaarinaya dibadbaxa, waxaa lagu wadaa in bannaanbaxan ay ka soo qeybgalaan dad aad u fara badan oo ku nool Muqdisho.
Lama oga in dawlada federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ka talisa ay masuuliyiinteeda ka qeybgali doonaan, iyadoo warkan uu soo baxay xilli dhow oo caawa ah.
Dibadbaxan ayaa ku soo aadaya iyadoo booliska wadanka Kenya ay sii wadaan qabqabashada dadka Soomaalida ah ee gudaha magaalada Nairobi ku sugan, waxaana Kenya maanta ay shaacisay inay dalkeeda ka mudaafurin doonto dadka Soomaalida ah ee 4,000 gaaraya ee u xiran hadda.”