Maxaa Cusub Maanta

Maqaalo/Articles

Wareysiyo

English News

9.4.14

Daawo Sawirrada Falanqaynta Natiijada Ciyaarihii Xalay La Isku Karbaashay Ee Champions League Iyo Kooxaha Real Madrid Iyo Chelseo Oo Uu Soo Baxay Semifanal

Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa u soo baxay ciyaaraha semi finalka ee tartanka xiisaha leh ee Champion League kadib markii ay caawa ciyaareen lugtii labaad ee tartanka siddeed dhamaadka.
Kooxda Chelsea ayaa ugaga badisay naadiga ka dhisan dalka Faransiiska ee PSG 2-0 kadib ciyaar aad u kululeyd oo ka dhacday garoonka Stamford Bridge.
Goolka hore ayaa ay Chelsea heshay daqiiqadii 32aad waxaa u dhaliyay Schurrle oo bedel ku soo galay kadib markii uu dhaawacmay Hazard.
Hase yeeshee Chelsea ayaa goolka ay ku soo baxday waxa ay heshay waqtiga dhimashada waxaana u dhaliyay weeraryahankeeda Demba Ba, goolkaa ayaana ka dhigay goolasha labada ciyaar barbaro ah 3-3 waxayna nasiib u yeelatay Chelsea in ay gool ay ka dhalisay garoonka PSG ay ku soo baxdo.
Si kasta ha ahaatee kulankii kale ee ay ciyaareen Real Madrid iyo Dortmund ayaa ahaa mid aad u kululaa wadnahana afka u soo galay kooxda Real Madrid oo uu ka maqnaa xiddigoodii Ronaldo.
Hase yeeshee ciyaartan ayaa fursad wanaagsan oo soo martay Real Madrid oo ahayd rigoore waxaa ka qasaariyay Di Maria.
Borussia Dortmund oo dooneysay in ay sidii sanadkii hore dhulka ku jiido Real Madrid ayaa ka badan weysay inay labo gool oo uu u dhaliyay Reus ay hesho taasina waxay ka dhigtay in goolal tirsi 3-2 ah ay ugaga harto semifinalka.
Habeen dambe oo ay ciyaari doonaan Bayern Munich iyo Manchester United, Athletico Madrid iyo Barcelona ayaa laga sugayaa labadii koox ee soo buuxin lahayd booska ka banaan wareegga semifinalka. Afarta kooxba waxa ay wareeggi hore ay ku kala baxeen barbaro. Jimcaha ayaa la filayaa in la qabto qori isku tuurka sida loo ciyaarayo semifinalka tartanka horyaalka Yurub.









 
Copyright © 2013 - 2014 Gurmad Media
Sameyntii Shabakada Caalamiga Ah Ee Busnews.