Garoonka: Stamford Bridge
Garsoore: Pedro Proença
Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika
Chelsea ayaa martigelineysa lugta labaad ee wareega 8da Champions League caawa kooxda PSG iyagoo doonaya inay dhanka kale u rogaan 3-1 looga soo badiyay lugtii hore oo ay marti ku ahaayeen Paris.
Markii ugu danbeysay oo ay PSG booqatay garoonka Stamford Bridge tartankaan Champions League ciyaarta waxa ay ku dhamaatay barbaro 0-0 ah, kooxda Faransiiska ah ayaana jeclaan laheyd inay natiijo sidaas oo kale ah caawa ku gaaraan London.
MAXAA KA CUSUB?
Weeraryahanka Samuel Eto’o ayaa laga yaabaa inuu diyaar u noqdo inuu wajaho caawa PSG lugta labaad ee wareega 16ka Champions League.
33 jirkaan ayaa seegay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Blues isagoo dhaawac ka qabay muruqa bowdada, laakiin waxa uu tababar qaatay shalayto inkastoo uusan la qaadanin asxaabtiisa kooxda.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Andre Schurrle ayaa dhaawac ku soo baxay kulankii Stoke City waxaana la filayaa inuu taam u noqdo kulanka caawa.
Kooxda Blues ayaa raadineysa inay dhanka kale u rogto guuldarro 3-1 oo looga soo badiyay lugtii hore.
Ciyaaryahanka khadka dhexe John Obi Mikel ayaa seegay kulankii Stoke City dhaawac darteed, laakiin waxaa laga yaabaa inuu bedelo Ramires oo ganaax ku maqan ama Matic oo aan Chelsea u ciyaari karin Champions Legaue xilli ciyaareedkan.
PSG waxaa ka maqnaan doona weeraryahankooda Zlatan Ibrahimovic kaasoo dhaawac ku soo baxay kulankii lugtii hore ee ka dhacday Parc de Princes.
Xiddiga reer Sweden oo 40 gool u dhaliyay kooxda horyaalka Faransiiska ka dhisan ayaa waxaa weerarka ka bedeli doona Edinson Cavani.
Xiddiga reer Uruguay oo 55 milyan ginni lagula soo wareegay xagaagii ayaa inta badan waxaa garabka midig ka ciyaarsiin jiray tababare Laurent Blanc kaasoo ku soo gala shaxda 4-2-3-1.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Chelsea: (4-2-3-1): Cech; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Luiz, Lampard; Willian, Oscar, Hazard; Eto’o.
PSG (4-3-3): Sirigu; Wiel, Alex, Silva, Maxwell; Verratti, Motta, Matuidi; Moura, Cavani, Lavezzi
MA OGTAHAY?
Ramires ganaax hal kulan ayuu ku maqan yahay; Ivanovic iyo Obil Mikel hal jaale ayay u jiraan gaaax.
• Inkastoo ay 3-0 kaga badiyeen Stoke City sabtidii, Chelsea ayaa laga badiyay seddex ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay waana xilligoodii ugu xumaa xilli ciyaareedkan.
• Blues waxa ay shabaqa ilaashadeen sideed kulan oo isku xigta oo ay ku ciyaareen Stamford Bridge.
• Chelsea ayaa Arsenal ku garaacday 6-0 bishii March 22keedii, waana guushii ugu weyneyd ee uu Jose Mourinho la gaaro Blues.
• Samuel Eto’o, Eden Hazard iyo André Schürrle dhamaantood waxa ay dhaliyeen horyaalka seddexleey sannadkan 2014. Dhamaan 11ka gool ee Eto’o ee tartamada oo dhan waxa uu ku dhaliyay Stamford Bridge.
Zlatan Ibrahimović ayaa dhaliyay sideed gool wareegii group-yada isagoo barbareeyay rikoorka ay hayeen Ruud van Nistelrooy (2004/05), Filippo Inzaghi iyo Hernán Crespo (2002/03), inkastoo Cristiano Ronaldo uu ka sarre maray xilli ciyaareedkan.
• Paris ayaa laga dhigay seddex rigoore afartii kulan ee ugu danbeysay Champions League.
• Kaliya xiddiga Barca Xavi Hernandez ayaa isku dayay islamarkaana dhameystiray baasas ka badan xiddiga PSG Thiago Motta xilli ciyaareedkan Champions League.
• Edinson Cavani, Alex, Thiago Motta, Blaise Matuidi iyo Adrien Rabiot dhamaantood hal jaale ayay u jiraan inay seegaan lugta hore ee semii-finalka haddii ay soo baxaan caawa.
