Kooxda Banooda oo Kaalinta Sedexaad Ku Guuleysatey KoobkaIs-dhaxgalka Bulshada oo ka socda Degmada Buurhakaba
Waxaa meel Gabogabo ah maraya koobka
is dhexgalka bulshada waqtiyadaanba ka socdey Degmada Buurhakaba.
Shaley ayaa la ciyaarey ciyaarka
booska 3aad oo ku hardamamey xooxaha kala ah BANOODA VS HEEGAN oo isla beegsadeen ciyaar tii ugu cusleed inta ay
socdeen ciyaaraha
Labadaan
kooxood oo nasiibka u diidey
inay FINAL-KA imaadaan kadib markii labadaba lagu soo reebey rigoorooyin
ayaa kooxba kooxda kale waxa ay hantaagayeen inay awoodooda muujiyaan.
Daqiiqadii 20aad ee ciyaarta wejiga
hore ama kaambiyada hore ayaa kubada waxaa lugta u soo gashey kabtan Saraaxa oo BANOODA ugu ciyaara lambarka 10
kadibna kubad fikir ku saleysan lugta u saarey lambarka 9 oo lagu magcaawo
Biibaaye kadibna shabaqa ku hubsadey.
Ciyaarta ayaa noqotey weerar iyo
weerar celis isku-dey badan oo ay la soo baxeen kooxda aan awoodeeda yareyn ee
HEEGAN ayaa waxaa jawaab maya ah siiyey inay barbar-dhac keenaan xoogaga
BANOODA sidaana ay guusha ku raacdey kooxda BANOODA.
Hadaba waxaa maalinta Talaadada ah
loobalansanyahay ciyaarta fiinalka oo lasugayey inay dhacdo maalintii sabtiga
sawabo farsamo awgeed ayaa waxaa la'isku raacey in la ciyaaro maalinta
Talaadada fooda nagu soo haysa.


Post a Comment