Maxaa Cusub Maanta

Maqaalo/Articles

Wareysiyo

English News

17.4.14

MAXAA HORTAAGAN NABADA SOMALIA

Taariikhda Soomaalida laguma hayo dagaal gardaro ama fitno ay soo abaabuleen beesha Biimaal oo ay ku qaadeen dageeno dad kale leeyahay taasi badalkeeda waxa ay caan ku yihiin deris wanaag iyo in Soomaalinimo dhulka Soomaaliyeed loogu noolaado waxaana wax lagu faano ah in beelo badan Soomaaliyeed ay beesha Biimaal la wadaagaan nabad jecelkaasi.

Markii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay burburtay ee dalka dagaalada ahliga ka qarxeen waxa caado noqotay in beel beel ku duusho iyo dilal ku saleysan aano qabiil.

Intii beelaha Soomaaliyeed is leynayeen waxa ka dhex faa’deystay hal beel oo isku raacay inay boobaan wax kasta oo dowladdii dhexe ka tagtay, isbaarooyin dhigtaan, dhul dad kale leeyahay xoog ku qabsadaan. Beeshaasi waa Habargidir oo maanta Soomaalida dhexdeeda tuke canbaar leh ka noqotay oo aan laheyn caaqil ama ugaas wanaagsan oo wanaaga fara laakiin waxay leedahay qabqable oo jiil badan iyaga ka mid ah wax tari laha ku baa’biyey dagaalo ilaa maanta socda oo aan faa’iido u laheyn.
WAA TUMA HABARGIDIR?
Prof. Togane oo ah Abgaal Hiraab waxa uu ku tilmaamay in lagu habaaray ” CALOOL AAN DHERGEYN, CARAB AAN XISHOON, CAG AAN JOOGSAN” Taariikhda qabiilkani waa labo qeybood
1- Qarniyo badan waxa addoonsan jiray Suldaan Cali Yuusuf oo ahaa Boqorkii Majeerteen ka talin jiray dhulka maanta Puntland loo yaqaano ilaa deegaanka Hobyo.
2- Taariikhda labaad waa mid bilaabatay markii burburka Soomaaliya ka dhacay ee 1991 waa taariikh ku saleysan dhac, boob, dil dad aan wax galabsan iyo qabsasho deegaano dad kale leeyahay.

3- Taariikhda aad ee aan ku darayo waa iyaga oo noqda sidii dadkii Ajuuraanka ahaa ee Soomaaliya awooda ku lahaa oo maanta dhulka Soomaalida ku yaraaday waa haddii ayna is daba qaban waqtiga la joogo.
Lama garan karo waxa ay doonayaan, ma doonayaan Soomaaliya inay dowlad yeelato laakiin waxa ay ka mideysan yihiin in ay ku noolaadaan isbaarooyin ay dhigtaan meel kasta xataa haddii ay 3 qof ku joogaan.
Akhristow dib u raac inay doonayaan dowladnimo iyo in kale. August 2000-dii Shirkii ka socday Carta, Djibouti waxa lagu doortay Cabdiqaasim Salaad inuu Madaxweyne noqdo, ma ogtahaye in mucaarada ugu badan ee dowladiisa ay kaga imaaneyse beeshiisa?

Isaga qudhiisa waxa uu doonayey inuu dhameystiro qorshihii beesha ee uu hore u dejiyey Caydiid ee ahaa xoog lagu qabsado dhulka Koonfureed.
Ina Salaad Booy markii uu Xamar yimid waxa uu diiday dowladda saldhig loogu dhigo magaalada Baydhabo oo dastuurkii KMG ee Carta lagu ansixiyey waxa ku jirtay in Baydhabo tahay caasimada KMG inta Xamar nabad ka noqoneyso.
C/qaasim waxa uu isla markiiba isku dayey in lacagtii caalamka dowladiisa ugu deeqday ku fuliyo mashaariic qabya ahaa oo Caydiid ka tegay;
Wuxuu guddomiye gobolka Shabeelada hoose u magacaabay Indhacade, Afgooye waxa uu guddoomiye degmo u magacaabay mooryaan Farobadan, degmada Baraawe wuxuu u magacaabay Dhuxulow, dhamaan taliyaasha ciidamada gobolka joogay wuxuu ka dhigay beeshiisa.

Gobollada Jubooyinka waxa uu u magacaabay Seeraar iyo Goobaale waxa si magac u yaal Kismaayo loogu dhiibay Bare Hiiraale .

Waxa caado u ah beeshan oo aan ceeb ku aheyn in meeshii ay qabsadaan ay sheegtaan inay iyagu degaan.
1994 waxay qabsadeen Baledweyn waxa ay dhihi jiraan Baledweyn waa dhul Habargidir

1995 Waxay qabsadeen Baydhabo waxa ay dhihi jireen Baydhabo waa dhul Daame

1999 Waxay qabsadeen Kismaayo waxay dhihi jireen Kismaayo waa dhul Hawiye

1994 waxa ay qabsadeen Marka ka dib markii ay kaga itaal roonaadeen ciidamada beesha Biimaal ee joogay.

magaalooyinka kor aan ku soo sheegay dhamaan waa sheegan jireen ilaa markii dambe ay ka quusteen.

Maanta markii ay Biimaal u tabar waayeen waxa ay idaacadaha ka sheegaan Marka waa dhul Daame! Daame maxaa la yiraahdaa waa yaabee?

Beeshan dhibka Soomaaliya ka dhaca iyaga ayaa maanta masuul ka ah, dadkii Soomaalida xataa beelaha Hawiye ayaa ka yaaban hab dhaqankooda.
Mar weliba waxay keenaan strategyad dadka iyo ra’yul caamka ku qaldaan. hadba waxay soo xirtaan shaatiyo ay danahooda ku fuliyaan.
1991 Hawiye waxay u galiyeen shaati ah Daarood in lala diriro, ka dibna waxay dhabarjebin ku sameeyeen beelihii ay Hiiraab isla ahaayeen ee ay isku mabdana ahaayeen dagaaladaasi oo loo yaqiinay AFARTA BILOOD waxay salka ku hayeen dhul balaarsi.
2006 waxay Soomaalida u galiyeen shaati ah Maxkamadaha iyaga oo isla markiiba mooryaantooda cimaamado wada qaateen MAGACYADOODANA KA HOR MARIYEEN SHEEKH! SIDA SHEEKH YUSUF INDHACADE.
isla sanadkaasi waxay keeneen shaati kale oo Shabaab ah. laakiin shaatigan dambe ee shabaabka ayaa YAKE ku noqday oo ku gudoomay.

Qoraal laguma soo koobi karo dulmiga ay beeshan isku raacday ee ay ku dhibaateyneyso umadda Soomaaliyeed.
LIBAAX NIMAN AQOON AYAA HURDADA KA KICIYA, cagtii joogsan weyda marbay ceeb la kulantaa aan aragno halka uu ku dambeeyo fitnada Habargir Shabeelada hoose ka wado ileyn Biimaal oo hurda ayey toosiyeen.
WAQTI AAN DHEEREYN WAXA II MUUUQATA WIILAL BIIMAAL OO QORYO LA HORTAAGAN ALBAABADA XAMAR IYAGA KU DABA JOOGA KOOXAHAN DHULBOOBKA KU CAAN BAXAY. waxaa qorey abdulqadir somalia

 
Copyright © 2013 - 2014 Gurmad Media
Sameyntii Shabakada Caalamiga Ah Ee Busnews.