http://crottt.blogspot.com/
Wax badan ayaa la is weydiiyay
maxaa loo hirgelin waayay in luqada maayga ay rasmi noqoto maadaama
qodobka 5-aad ee dastuurka uu dhigayo?
Qodobka 5aad. Afafka Rasmiga ah Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga (Maay iyo Maxaa tiri), af Carabigana waa luqadda labaad.
Qodobka 5aad. Afafka Rasmiga ah Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga (Maay iyo Maxaa tiri), af Carabigana waa luqadda labaad.
Sida in idaacada looga hadlo oo
barnaamijyo la siiyo halfby half maay iyo maxaa tiri, Hadaba aqoonyahano
dood cilmiyeed ku qabtay magaaladda kampala ee dalka uganda oo looga hadlay
maxaa afka maayga ah dowladda soomaaliya ay rasmi uga dhigi weysay maadaama
dastuurka soomaliya ay ku qoran tahay maay iyo maxaa tiri inuu u qeybsamo
soomaaliga walina an la fulin oo looga fadhiyo dowladda somaliya in ay meel
mariso walina aysan waxba ka qabsoomin.
Qadiyadan oo aqoonyahanadaasi ay
isla gorfeeyeen ayey ku tilmaameen in dowladda soomaliya ay bilihii mars 2013
maalmo dhowr ah SNTV laga jeediyay warar ku baxayey afka maayga oo aad loo soo
dhoweeyay wallow uu ahaa mid kooban , balse isla bishaasi gudaheeda
la joojiyay mars 2013, taas oo jahwareer badan ku dhalisay shacabweynaha ku
hadla afka soomaaaliga ee may-ga .
Dood cilmiyeedkan oo lagu xusay in
luqadda maayga aysan aheyn luqad u gaar ah beelo soomaaliyeed oo gaar ah balse
ay tahay luqad ay ku hadlaan shacabweynaha sideed gobol oo soomaaliyeed
taas oo macnahedu yahay 40% soomaalida ay ku hadlaan afka soomaliga ee
may-ga ,sidaa darteed shacabka gobolladaas in aysan wax tixgelin ah siinin
dowladda soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in Shacabkaan oo
ah shacab waligiis u taagnaa midnimadda soomaaliya inay muqadas tahay ,iyagoo
ka qeyb qaatay dagaaladdii gumeysiga talyaaniga lagula jiray ee hanashada
xoriyadda soomaaliya; sida Shan ka mid ah xubnihii kow iyo tobanka ee SYL
in ay ahaayeen Rag ka soo jeeda beelaha ku hadla afka maayga iyo ka
xoreyntii itoobiya safka hore ka soo ahaa waligood .
Halka Dadyow kale oo soomaaliyeed ay
soo hogaamiyaan shisheeye iyo cadow marwalba , isla markaasna ay ku dhawaaqaan
in ay ka go,i doonaan soomaaliya , ama ay ka fiirsan doonaan wada shaqeynta
kala dhexeysa dowladda federalka ee soomaaliya ay helaan tixgelin dheeri
ah taas oo macneheedu aan fahmi weynay.
Waxaa wax laga xumaado ah in
Dowladda soomaaliya ay fulin weysay xaqqii dastuurka soomaaliyeed uu u
ogolaaday afka soomaaliga ee maayga ,isagoo masuulka ugu sareeya dowladda
soomaliya madaxweyne xasan sheikh maxamuud uu ka qeyb galay shirkii horaantii
sanadkan lagu qabtay magaaladda jabuuti 2013 ee looga hadlayay horumarinta afka
maxaa tiri ee soomaliyeeed , sidaasina ay noqotay cadaalladdii uu ku dhaartay
madaxweynaha in uu shacabkiisa soomaliyeed ay u siman yihiin , ayaa
aqoonyahanadani si gaar ah u tilmaameen in aysan ku xadgudbeynin
madaxweynaha haddana aan xusuusineyno in arinkaasi uu wali qabyo yahay in afka
soomaaliga ee maayga uu helo cadaaladda.
Taas oo ah in sinaan iyo
cadaalad loo hirgeliyo dastuurka sida uu dhigayo qodobkan.
Qodobka 11aad. Sinnaanta:
(1) Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo
aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar
siyaasadeed, qabiil, naafannimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda
iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa.
(2) Waa fal takoorid ah haddii
natiijadiisu noqoto is-hortaag ama ciriiriggelin xaqa qofka, xataa haddii falka
si ulakac ah aan loo samayn.
(3) Dawladdu ma takoori karto
Qofnaba iyadoo sababeysaneysa da’da, sinjiga,midabka, qabiil, isir, dhaqan ama
lahjad, jinsi, dhalasho, Curyaannimo, diin, siyaasad ama fikir, xirfad,
mulkiyad.
Haddaba haddii aan taariikh ahaan
dib u yar jaleecno in xilligii gumeystihii talyaaniga idaacadda radio muqdisho
barnaamij afka maayga ku baxo uu ka soo jeedin jiray allaha u naxariistee
mohamuud mohamed aden ( ninkani wuxuu la dhashay cabdiqaadir ZOOBE ) oo ka mid
ahaa dhalanyaraddii SYL ee xoriyadda soomaliya u soo halgamay barnaamijkaas oo
socday muddo aadna caan ugu ahaa ( barnaamijka may-ga) oo ugu dambeyntii
la joojiyay markii xuriyadda la qaatay 1960 gebi ahaan sida uu ku waramay
hogaamiyihii SYL cabdiqadir boolaay oo ay isku waqti ahaayeen marxuum maxamuud
, boolaayna markii dambe uu ahaa wariye taratirihii wargeys-ka XIDIGTA OCTOBER
,lana shaqeyn jiray jornal ka soo baxa dalka talyaaniga.
Farriin Addag:
waxaan u direynaa dhamaan hay,adaha
ugu sareeyo soomaaliya madaxweynaha, baarlamaanka , iyo ra,iisul wasaaraha in
ay dhamaatay xilligii la is doodsiin jiray xuquuqda , xaqqeena aan ku
laheyn idaacada jamhuuriyadda soomaliya iyo SNT ,wa in aan dib u helnaa si DEG
DEG AH.
Taas oo looga fadhiyo dowladda in ay
xuquuqdaas ka maqan soomaalida ku hadsha afka may-ga dib loo hirgeliyo sida uu
dhigayo qodobkan Dastuuriga ah:
Qodobka 12aad. Dhaqangelinta
Xuquuqda Asaasiga Ah:
(1) Xuquuqda asaasiga ah
iyo xorriyadda lagu aqoonsaday qaybtan waa in la dhowraa marka kasta oo sharci
la dejinayo lana fulinayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer
kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha Dawladdu marka ay gudanayaan
xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah.
Qodobak 31aad. Dhaqanka iyo
Afka:
(1) Dawladdu waa in ay horumarisaa
hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ku dedaaleysa in
ay bulshada ka suuliso caadooyinka haraaga ah iyo kuwa dhowaan-soo-baxa ah ee
wax u dhimaya midnimada, ilbaxnimada iyo caafimaadka bulshada.
(2) Dawladdu waa in ay ururisaa,
ilaalisaa, kaydisaa waxyaabaha iyo xarumaha taariikhiga ah ee dalka, iyadoo
horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo.
(3) Dawladdu waa in ay horumarisaa
dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay.
(4) Xuquuqda qodobkan ku xusan waa
in loogu dhaqmaa si waafaqsan xuquuqda asaasiga ah ee Dastuurkan lagu
aqoonsaday.
WAXAAN SOO JEDINEYNAA IN:
1- IN STUDIO GAAR AH LA SIIYO AFKA
MAAYGA EE SOOMAALIYEED OO SHAQEEYNAAYO INTA UU SHAQEEYO STUDIYAHA IDAACADA
QEYBTA AFKA MAXAA TIRI EE SOOMALIGA AH , MAADAAMA AY TAHAY XAQ DASTUURI AH.
2- IN LOO ADEEGSADO QORAALLADA
RASMIGA AH EE DOWLADDA KA SOO Baxa.
3- IN WEBSITE-GAAR AH OO RASMI AH OO
DOWLADDA MAGACEEDA KU HADLO OO AFKA MAAYGA AH LA SAMEEYO.
4-IN LOO SAMEEYO GUDDI GAAR AH OO KA
QEYB GALA SHIRARKA HORUMARINTA AFKA SOOMAALIGA QEYBTA MAAYGA.
5- IN LA QORO SUUGAANTA IYO
MAAHMAAHYADA AFKA MAAYGA AH ABAAL MARINNO LAGU BIXIYO.
6-IN MANHAJKA SCHOOL-LLADA LAGU DARO
QEYBTA SUUGAANTA SOOMAALIGA LAGU BARANAAYO SIDA GABAYYADDA, HALXIRALAYASHA
,HEESAHA , QISOOYINKA, IYO CIYAARAHA HIDAHA IYO DHAQANKA AH ,IYO DHAMAAN
MURTIDA UU XAMBAARSAN YAHAY AFKA SOOMAALIGA EE MAAYGA AH.
7-WAXAAN TAAGEERSANAHAY MIDNIMADDA
UMADDA SOOMAALIYEED , WAXAANA KU ADKEYSANEYNAA HORUMARINTA LUQADDA SOOMALIGA EE
MAAYGA.
8- IN DIB DAMBE AYSAN U DHICIN IN
AFKA MAAYGA AH LA DULMIYO OO AAN BUUGAAGTA CIYAALKEENA SCHOOLLADA LOOGU
DHIGAAYO LAGU QORIN OO KALIYA SUGAAN BEELEEDYO GAAR AH SIDII AY SAMEYSAY
DOWLADDII KALIGII TALIYIHII SIYAAD EE KU DHAQAN TAY SIYAASADDA (KUFSIGA
SUUGAANTA SOOMAALIYEED) ISAGOO U MAGACAABAY INA ADEERKIIS HOGAANKA FANKA IYO
SUUGAANTA EE SOOMALIYA IYO AGAASIMAHA WARFAAFINTA.
9- WAXAAN TAAGEEREYNAA DADAAL WALBA
OO LAGU HORMARINAYO AFKA SOOMAALIGA EE MAAY-GA IYO MAXAA TIRI SI WADA JIR AH.

Post a Comment